Disclaimer
Banadir Pharmacy website does not provide medical advice, diagnosis or treatment. Always discuss any course of treatment with your medical healthcare provider.

BARUUR ( Cholesterol)

0 Comment
2016-10-25 18:17:32
 

 

 

Waa maxay macnaha baaritaanka dhiigeyga?

Baruur (Cholesterol):

Baruurta waa koox xeer ah taasoo ku nool jirka. Heerarka sare ee baruurta, si-kastaba, waxaa muujinaaya cuntada oo aad ugu badan kaarbo-haaydareytis, gaar ahaan sokorta. Heerka baruurta oo sareysa muddo badan waxay keeni kartaa cudurka wadnaha.

Cunooyinka intooda badan waxay leeyahiin karbo-haydareytis (karbo-haydareytis wuxuu ku jiraa sokorta, bariiska, bataatiga, faaybar oo ah khudaarta iyo miraha diirka leh, buunshada). Karbo-haydareytis wuxuu ka yimaadaa cunta kala duwan- wuxuu ku jiraa digirta, caanaha, daangada, rootiga, buskutka, baastada, doolshada laga sameeyay miraha jeeriga (cherry pie)-laakiin cunooyinkaan mawada laha karbo-haydareytis isku wada mid ah. Karbo-haydareytis waa qayb muhiim ah waana cunto caafimaad leh maxaa yeelay jirka wuxuu siiyaa quwad qofka u baahan yahay firfircooni iyo xubnaha jirka iney si hagaagsan u shaqeeyaan. Marka karbo-haydareytis aad u badan jirkaada leeyahay, quwad badan oo aad isticmaali kartid oo ka heshid cuntadaada, jirka ayay dhex degaan sida heerka xeerta oo sii saa'idda.

Heerarka hoose ee baruurta waxaa xaqiijinaaya cuntada oo xeerta ku yar tahay, ama caloosha iyo mindhicirada oo aan caadi u nuugeynin xeerta. Caddadda dhiiga la qaado = 4 miliiliiter (in ka yar 1 macalgadda-shaaha).

HDL/LDL: HDL waa “fiican yahay” waa baruurta caawisa inay ka soo saarto jirka baruurta xad-dhaafka ah. LDL waa “xun yahay” waa baruur taasoo qaada baruur una geysa unugyada, laakiin gadaal ku dhaafta baruur xad-dhaaf ah agagaarka halbowlaha iyo jirka. Heerka sare LDL iyo Heerka hoose HDL waxay muujinaayaan cuntada ku badan kaarboo-haaydareytis oo sifaysan.  Caddadda dhiiga la qaado = 4 miliiliitar (in ka yar 1 macalgadda-shaaha).

 
0 Comment

Send a comment

  

Send